Calendar

Dagaal galabta ka qarxay Woqooyiga Muqdisho.

dagalxamarBartamaha (Muqdisho):-Dagaal xoog badan oo ay ka qeybgalayaan Ciidanka Amisom ayaa galabta ka qarxay Xaafadaha Woqooyiga Magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo ah mid xoog badan ayaa yimid ka dib markii Kooxda Alshabaab ay qabsadeen Isgoyska Hotel Jubba halkaasi oo meel aan ka dheereen ay ku sugnaadeen Ciidanka Dowlada ee Isgosyka laga qabsaday.

Ciidanka Dowlada oo difaac galay markii laga qabsaday Jubba ayaa la sheegay in ay galab ka heleen Ciidanka Amisom oo la baxay Taangiyadooda dagaalka taasi oo dagaalka sii xoojisay.

Xiriir aan la samaynay dadka jooga Xaafadaha dagaalka uu ka jiro ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in Alshabaab ay dhul balaarsi hor leh sameeyeen ka dib dagaal kooban oo ay la galeen Ciidanka Dowlada.

Hoobiyayaal ayaa sida roobka ugu daadanayay Madaxtooyada Soomaaliya iyo dhismayaal u dhow oo ay joogaan Cidianka Dowlada KMG ah oo difaac xoogan ka haya Villa Somalia.

Madfac ku dhacay Xamarweyne ayaa sababy dhimasho iyo dhaawac dad badan waxaana ugu darnaa dhaawaca 10-Caruur ah oo Dugsi ku sugnayd sida dadka degmadaasi ay sheegayaan.

Wariye Madax banaan oo ku sugan Xamarweyne ayaa www.Bartamaha.com u sheegay in Ciidanka Dowlada ay isaga soo bexeen dagaalka islamarkaana lagu arkayay Degmadaasi ciidankii ka soo cararay aaga dagaalka.

Weerarka shabaabka ka yimid ayaa imaanaya xilli dhaqdhaqaaq iyo diyaargarow dagaal qorsheysan ay wadaan Ciidanka Amisom ee ku sugan Muqdisho kuwaasi oo ka caraysan weerarkii shacabka lagu laayay ee ka dhacay Kampala.

Dowlada KMG ah ayaa mar haddii laga qabsado Deegaan hor leh waxaa halis ku jira Villa Somalia oo ay saddex jiho ka joogaan Maleeshiyaadka Alshabaab oo si gaar ah u doonaya xaruntaasi wallow Taangiyada Amisom ay difaac u yihiin Xarinta Madaxtooyada.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: