Dagaal duhurnimadii maanta dhexmaray Ciidamo Dowlada ka wada tirsan.
Bartamaha(Muqdisho):-Dagaal u dhexeeyay askar ka wada tirsan Dowlada ayaa maanta ka dhacay Degmada Wadajir Muqdisho kaasi oo qasaaro uu ka soo gaaray dadka shacabka ah.
Dagaalka maanta dhacay ayaa ahaa mid ka dhashay gacan ka hadal Laba askari dhexmartay taasi oo ka dib dhalisay isku dhac Ciidamada ay u kala talinayeen Askartaasi ah.
Inta la ogyahay isku dhaca sida fudud ku bilowday ayaa sababay dhimashada 2-askari iyo dhaawaca 3-kale oo dhammaan ahaa Ciidamada maamulka Degmadaasi oo isku qabtay Laba sargaal oo isku gacan qaaday.
Dagaalku ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Ceelqalow ee degmada Wadajir, wuxuu u dhexeeyay ciidamada  kawada tirsan Dowladda kuwaasi oo marar badan isku qabtay waxyaabo dadka ay la yaabaan.
Ma jirto khasaare dadka shacabka ah kasoo gaartay dagaalka maanta dhacay iyadoo laba maalin ka hor Ciidamo dowlada ka wada tirsan ay isku qabteen Xaafada Nasteexo Degmadaasi Wadajir.
Isku dhaca Ciidamada waxa ay Muqdisho ka noqotayt mid joogta ah waxaana isku batay Ciidamada ku sugan Goobaha shacabka ay daganyihiin taasi oo keenta in inta badan ay isqabtaan.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments