Dagaal dhexmaray Maleeshiyaad iyo Askarta Puntland duleedka Garoowe.
Bartamaha (Garoowe):- Dagaal muddo socday ayaa saaka ka dhacay duleedka Magaalada Garoowe Ee Xarunta Dowlada Goboleedka Puntland.
Dagaalka ayaa yimid markii ay isku dhaceen Ciidanka Puntland iyo Maleeshiyaad Beeleed hubaysan oo ku sugnayd Duleedka Magaalada Garoowe halkaasi oo ay isku qabteen labada dhinac muran xoogan ka dib.
Ciidanka Puntland oo doonayay in ay Howlgal ka sameeyaan Duleedka Garoowe ayaa la xaqiijiyay in ay is fahmi waayeen Koox ilaala ka haysay dhul banaan oo ay dhawaan Cabirteen kuwaasi oo qaab qabiil ahaan u difaacanayay dhulkaasi.
Rasaas xoog badan oo ka bilaabatay dhulkaasi ayaa sababtay in ay ku dhintaan 3-Qof oo kala ahaa labada dhinac ee dagaalka u dhexeeyay kuwaasi oo muddo ku dagaalamayay dhulka ku yaala duleedka Garoowe.
Qaar ka mida dhaawacyada dagaalka saaka dhacxay waxyeelada ka soo gaartay aya ala dhigay Isbitaalka guud ee Magaalada Garoowe halkaasi oo lagu wada dabiibayo askarta iyo Maleeshiyada ay is qabteen.
Magaalada Garoowe gudaheeda ayaa si aad ah looga dareemay dagaalka saaka dhexmaray Maleeshiyada Beesha iyo Askarta Puntland waxaana haatan jawiga uu yahay mid dagan marka loo eego sida saaka dadka ay ka war heleen.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Maamulka Gobolka Nugaal waxaana lagu soo waramayaa in Xiisad colaadeed ay weli ka taagantahay deegaanka dagaalka uu ku dhexmaray Maleeshiyada iyo Cidianka Puntland.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Comments
comments