Dagaal culus oo xalay degmada Mahadaay ku dhex maray Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab
Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ayaa sheegaya in dagaal faraha looga gubtay uu xalay ka dhacay degmadaas, maalmo kadib markii ciidamada dowladda ay la wareegeen.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa bilowday saqdii dhexe xalay abaarihii 2-dii habeenimo, kadib markii xoogaga Al-Shabaab ay dhinaca bari ka soo weerareen degmada Mahadaay.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu socday ilaa 10-kii habeenimo ee xalay, waxaana dhinacyada dagaalamay ay isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in labada dhinac ay isla soo galeen gudaha degmada, iyadoo aan dad rayid ah wax ku noqon dagaalka, hase ahaatee ay jiraan qasaarooyin kala gaaray ciidamada dagaalamay.
Ugu yaraan afar ruux ayaa la sheegay in dagaalka ku dhinteen, kuwaasoo ahaa labada dhinac ee dagaalamay, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkii xalay.
Xoogaga Al-Shabaab ayaa ka soo weerar qaaday dhinaca deegaanka Cali Fooldheere, waxaana maalmihii u dambeeyay jiray abaabulo dagaal ka socday tuulooyinka u dhow dhow Mahadaay oo ay isku uruursanayeen Shabaab.
Dagaalkan ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee ka dhaca degmada, tan iyo markii todobaadkii hore ay ciidamada dowladda la wareegeen Mahadaay.
Comments
comments