Dagaal culus oo ciidamada Kenya iyo kooxda Alshabaab ku dhexmaray gobolka Gedo
Ciidamada Kenya iyo kuwa Al Shabaab ayaa maanta Dagaal Qasaaro xoogan geystay sida la sheegay waxa uu ku dhexmaray Degaanka Faxfaxdhuun , Duleedka Degamada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Dagaalka uu bilaawday kadib markii Dagaal yahano hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Fariismo Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Degaanka Faxfaxdhuun ee Gobolka Gedo.
Xiriiro aanu la sameenay Saraakiisha Ciimada Dowladda Soomaaliya oo ku sugan degaanka Faxfaxdhuun ee Duleedka Degmada Baardheere Gobolka Gedo ayaa waxa ay ka gaabsadeen inay faah faahin ka bixiyaan Dagaalka maanta Ciidamada Kenya iyo kuwa Al Shabaab ku dhexmaray Degaanka faxfaxdhuun ee Gobolka Gedo.
Majirto warar rasmi ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay AMISOM oo ay ciidamada Kenya hoostagaan amaba dawlada Soomaaliya oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkii maanta.
Comments
comments