Calendar

Dadweyne Caraysan oo Xalay Dibad bax ka dhigay magaalada Hargaysa

Hargaysa _ Dibad bax ay dhigayeen Dadweyne caraysan ayaa fiidkii xalay ka dhacay guddaha magaalada Hargaysa oo xarun u ah maamulka Soomaliland.

Dadka dibad baxayey ayaa la sheegay inay kasoo horjeedaan Fara geli ay sheegeen in xukuumadu ku hayso Baarlamanka, waxaana ay taageero u ahaayeen guddomiyaha Baarlamanka Cabdiraxmaan Cirro.

Dibad baxayaasha ayaa Taayiro ku gubay waddoyinka magaalada, iyagoona dhagxaan ku weeraray Gaari uu watay mid kamid ah xildhibaanada Baarlamanka Somaliland, waxana  ugu damayntii ay Boolisku ku guulaysteen inay kala eryaan dibad baxayaasha.

Arintaan ayaa imaanaysa xili uu jiro khilaaf xoog badan oo hareeyay guddonka sare ee Baarlamanka, kaasi oo salka ku haya qodobo xeer hoodka ah oo la doonayo in wax kabedel lagu sameeyo.

Maalintii shalay ayaa fadhi ay lahayeen Baarlamanku waxaa hareeyay buuq iyo gacan ka hadal, kadib markii lagu murmay arrimo khuseeya xeer hoosadka ay ku shaqeeyan Baarlamanku.

C/raxmaan Cirro oo ah guddomiyaha gollaha wakiilada ayaa mar uu lahadlay BBC-da waxaa uu xusay in xukuumada Siilaanyo ay faragelin ku hayso Baarlamanka, isagoona cadeeyay in xukuumadu ay soo abaabulayso Xildhibanada mucaradka ah.

www.Bartamaha.com

Xafiiska Puntland.

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: