Dadka u barakacay deegaanka Ceelasha Biyaha oo caawa u bilowday Bandow xiligiisa aan la shaacain.
Bartamaha:(Muqdisho)Caawa ayaa waxaa si rasmi ah deegaanada u dhexeeya Ceelasha Biyaha ilaa Afgooye uga dhaqan galay Bandow ay saareen kooxda Xizbul Islaam dadka ku barakacay deegaanadaasi.
Saraakil u hadashay koxda Xizbul Islaamka ka arimisa Afgooye ayaa sheegtay in bandow lagu xaqiijinayo Ammaanka dadka barakacayaasha oo laga cabsi qabo in lagu soo dhexdhuunto uu ka biloobanayo xilliga habeenkii ah.
Caawa ayaa waxaa gabi ahaanba xermay goobaha ganacsiga ka dib markii ciidamo fara badan lagu soo daadiyay wadada isku xerta Afgooye iyo Ceelasha Biyaha kuwaasi oo ka soo hordhacay xilli aan la gaarin waqtigi balanta ee uu bandowga bilaaban lahaa.
Waqtiga Bandowga uu bilaabanayay oo ahayd 10ka Fiidnimo ee caawa waqti ka hor ay bilaabeen dadka deegaanadaasi in ay guryahooda ku ekaadaan cabsi ay ka qabaan ciidamada deegaanadaasi soo gaaray.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa deegaanadaasi waxaa lagu arkayay ciidamada Xizbul Islaam kuwaasi oo ammaanka deegaanadaasi aad uga feejigan iyagoo si weyn isga jira fariisinada ciidamada dowlada ay ku leeyihiin isgoyska Ex-Control Afgooye.
Xarunta Wararka Xaqiiqda ah www.Bartamaha.Com
Comments
comments