Dadka ku Daga Gobolka Gedo oo Taageero u Muujiyey Shirka ka Dhici doono Magalada Columbus ee Gobolka Ohio
Qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Gobolka Gedo ayaa waxay sheegeen in ay si buuxda u soo dhaweynayaan Qabsoomida shirweynaha dabayaaqada bishani la filayo inuu ka furmo Magalada Columbus ee Gobolka Ohio,kaasi oo ay isugu imaan doonaan Xubno ka kala socda Jaaliyada dibada si ay uga wada hadlaan arimo la xariira deegaanada beesha ee ka soo jeeda oo dhibatooyin badani ay ka jiraan.
Â
Shirkaani dhawaan ka furmi doona magaalada Columbus oo mudooyinkanba qaban qaabadiisu ay socotey, si weyna looga hadal hayey meelo ay ka mid tahay Gobolka Gedo ayaa markii ugu horeysay waxaa si buuxda u taageeray ,islamarkaana rajo wanaagsan ka muujiyey shirkaasi xubno isugu jira Mas’uuliyiin Maamul,Odoyaasha dhaqanka iyo Waxgarad kale oo ku kala sugan degmooyinka Gobolka Gedo
Â
Gudoomiyaha Degmada Baladxaawo Axmed Maxamed Yuusuf(Burkuus) oo aan la xariirnay isagoo ku sugan Baladxaawo ayaa rajo wanaagsan waxaa uu ka muujiyey qabsoomida shirkaasi oo uu sheegay in mudo ahba in uu la socdey Qaban qaabadiisa,waxuuna tilmaamay shirkaasi ay isugu imaanayaan ergooyinka Beesha ee Qurba jooga ah in ay ka soo bixi doonaan natiijooyin wax ku ool ah.
Â
Sidoo Kale. Nabadoon Gaarane Maxamuud oo ka mid ah Gudiga Nabad radinta Gobolka Gedo oo xaley wareysi siiyey Saxaafada ayaa waxuu sheegay Qabsoomida Shirkaasi in uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dadaaladii nabada ee mudooyinkanba ay ka wadeen Gobolka,waxuuna ka codsadey xubnaha ka qeyb qaadanaya Shirkaasi in ay ka dhabeeyaan balantoodii ahayd in ay taageero dhaqaale ku bixiyaan shirkaasi,si buu yiri howsha loo bilaabo.
Â
Baaqyo kale gedisan oo ku aadan arimaha Nabada Gobolka Gedo oo ay horey si gooni gooni ah u ugu soo saareen ,Gudoomiyaha Maamulka Islaamiga Gobolka Gedo.Sheekh Ismaciil Aden Xaji iyo Xildhibaan Maxamuud Sayid Aden oo matalayey Xubnaha DKMG ee ku sugan Dolow ayey labada dhinacba waxay ku muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin in waxii khilaaf ah oo ka taagan Gobolka in lagu dhameeyo wadahadal nabadeed.
Â
Si kastaba ha ahaatee Guud ahaan Bulshada ku dhaqan Gobolka Gedo ayaa waxay ka dhur sugayaan qabsoomida shirkaasi iyo qodobada ka soo bixi doona, iyadoo natiijooyinka ka soo baxaana shirkaasina ay ku xirnaan doonaan arimo badan oo ay ugu horeyso ,dar dargelinta Howlaha nabada ee iminka ka soconaya Gobolka Gedo,taasoo bulshaduna ay baahi weyn u qabaan.
Comments
comments