Calendar

Dadka Barakacayaasha ah ee ku dhaqan Magaalada Kismaayo oo ka Cabanaya Roobab 24kii saac ee lasoo dhaafay si xoogan uga da’ayay gudaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/hoose.

bartamahaBartamaha(Kismayo):- Dadkani barakacayaasha ah ee ku nool magaalada kismaayo ayaa waxa ay ka cabanayaan roobab maalintii 2aad si xoogan uga da’aya gudaha magaalada kismaayo islamarkaasina biyo dhigay qeybaha kala duwan ee magaalada kismaayo.

Roobabkan ayaa waxa ay sababeen in ay xirmaan inta badan wadooyinka waaweyn ee magaalada kismaayo iyadoona dadka barakacayaasha ah ee ku sugan magaalada kismaayo kuna  dhex nool guryaha ka sameysan Cooshadaha ay soo foodsaartay xaalad nololeed oo aad u adag maadama aysan heysan meel ay ka galaan roobabkani deyrta ah ee ka curtay gobollada jubooyinka.

Mar aan galabta booqday qaar kamid ah xerooyinka ay ku noolyihiin dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada kismaayo  ayaa waxaan ku arkay biyo aad u xoogan oo gudaha u galay qaar kamid ah guryaha ay ku noolyihin dadka barkacayaasha ah waxayna ii sheegeen in ay lasoo darastay xaalad aad u xun iyagoona ka codsaday dadka soomaaliyeed iyo Maamulka wilaayada islaamiga ah ee gobollada jubooyinka in ay lasoo gaaraan kaalmo biniaadanimo iyagoona sheegay in ay ugu darantahay baco ay ka galaan dhibicda roobka.

Roobabkani deyrta ah ayaa waxa ay siweyn uga curteen koonfurta wadanka soomaaliya gaar ahaan gobollada jubooyinka waxaana go’ay guud ahaan isu socodka dadka iyo gaadiidka ka dhex shaqeyn jiray gobollada jubooyinka iyadoona ay dad badani ka cabsi qabaan in uu fatahaad sameeyo  webiga jubba oo haatan siweyn u buuxdhaafiyay.

Wararka Xaqiiqda ah kala soco Bartamah.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: