Dad loo qabtay Qarax shalay ka dhacay Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Dhalinyaro badan ayaa loo qabqabtay qarax shalay gabal dhicii ka dhacay Magaalada Muqdisho kaasi oo ay ku la’deen Ciidan iyo shacab arday u badan.
Dhalinyaro badan ayaa loo xerxeray qarax shalay galab ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku la’deen Ciidan iyo arday ka soo baxday Jaamacada Muqdisho.
Maamulka Degmada Wadajir aya axerxeray dhowr iyo toban dhalinyara ah oo lagu tuhmay masuuliyada qaraxa shalay lala beegsaday Ciidanka Dowlada oo ay ardayda badan ku dhamaadeen.
Dhalinyarada la xerxeray ayaa dhammaan ah kuwa laga soo qabtay Xaafada Buula xuubay waxaana la sheegay in ay yihiin rag ka tirsan ama xiriir wadaag la ah Alshabaab.
Saraakiisha Maamulka Degmada ayaa waxa ay ka gabsadeen qabqabashada dhalinyaradaasi haatan xerxeran oo lagu tuhmay masuuliyadada qaraxa ka dhacay Wadajir.
Qaraxa shalay dhacay ayaa waxaa ku dhintay 4-ruux waxaaana dhaawacmay 13-kale oo ay ka jiraaan ardayda Jaamacada Muqdisho oo xiligaasi ka soo baxday Jaamacada.
Xaalada goobta qaraxa ka dhacay ayaa saaka dagan waxaana goobta laga qaaday Cadadka Cidan jarjarmay iyo dhiig aad u badan oo goobta saaka yaaalay.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments