read more »">
Calendar

Dad gaaja ugu dhintay gudaha Muqdisho.

qxx22Bartamaha (Muqdisho):- Inta badan Magaalada Muqdisho shacabkii daganaa ayaa isaga barakacay dhulka ay qabsadeen Xoogaga Mucaaradka taasi oo sababtay in dad badan ay ku noolaadaan dhul banaan.

Maamulka Degmada Shibis oo ka mida deegaanada laga barakacay ayaa xaqiijiyay in ay hayaan kiisas muujinaya in  dad ay baahi ugu dhinteen gudaha magaalada Muqdisho markii ay ka soo carareen xaafadihii ay ku noolaayeen.

Kulmiye Yabarow Haruur ayaa shaaca ka qaaday in xaafad yar oo ka mida Degmada Shibis oo hjaatan nabad ah ay dad cuno la’aan ugu dhinteen markii ay waayeen cid u soo gurmata xilli Bisha Ramadan lagu jiro.

Gudoomiyaha waxa uu cadeeyay in degmada inteeda badan ay isaga soo carareen dadkii ku noolaa islamarkaana ay haatan jiraan dad badan oo waayay cid Nolosha ka saacida kuna nool xaafad ka mida Degmada.

Masuulkan waxa uu qiray in ay Caruur u dhinteen raashin la’aan ay maamulkisa diiwan galiyeen waxa uuna cadeeyay in Todobaadkii la soo dhaafay ay dhinteen Laba Caruur ah markii raashinka uu ka go’ay qoyskooda iyagoo waayay meel ay ka cuneeyaan.

Masuulkan waxa uu xusay in 3-bil ka hor garab la siiyay dadka dagan degmada balse wixii inmtaasi ka danbeeyay aanay helin gurmad xagga raashinka ah taasina ay sababayso dhimashada dhalaanka yaryar oo aan u adkaysan karin Baahida.

Hadalka Masuulkan ayaa imaanaya xilli Hay’adaha gargaarka ay ka seexdeen wax u qabashada shacabka ku dhaqan dalka soomaaliya markii ay bateen caga juglaynta Mucaaradka oo inta badan dalka ka mamnuucay Hay’adaha gargaarka.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

[email protected]


Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: