Dad Barakacayaal ah oo Maanta Dowlada awood u sheegatay kana saartay dhismayaashii ay daganaayeen.
Bartamaha(Muqdisho):-Dowlada KMG ah ayaa maanta awood Ciidan u sheegatay dad Barakacayaal ah oo daganaa dhismihii Bangiga Ganacsiga Gudaha Muqdisho.
Dowlada ayaa waxa ay maanta ciidan u adeegsatay Barakicinta dadkii Barakacayaasha ahaa ee daganaa dhismihii Bangiga Ganacsiga Degmada Shangaani Muqdisho.
Ciidamo Dowlada ka tirsan ayaa dibada uga saaray Barakacayaasha dhismihii Bangiga Ganacsiga halkaasi oo Ciidamada ay dibada uga saareen dadka shacabka ah dhismahaasi
Dadkii daganaa dhismaha ayaa waxaa looga saaray dibada iyadoo jirdil lagula dhaqaaqay qaar ka mida dadkaasi dagana dhismahaasy Bangiga ganacsiga Degmnada Shangaani Muqdisho.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa la sheegay in uu adeegsanayay Ciidamada maanta dadka ka kala eryay dhismaha Bangiga ganacsiga Magaalada Muqdisho oo Dowlada ay sheegtay in ay dfayactir ku samaynayso.
Dad badan ayaa maanta gurya la’aan ay soo wajahday kuwaasi oo garan la’ halka ay ka gabaad sadaan roobabka xiligan la galay iyo maanta oo guryahooda laga saaray dadkaasi barakacayaasha ah.
Dowlada waxa ay dhawaanahan waday qorshe ay shacabka isaga fogaynayso goobaha ay dagantahay waxa ayna barakiciyeen dadkii daganaa hareeraha Garoonka Muqdisho iyo Madaxtooyada.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments