Dad ammaanka halis ku ah oo lagu qabqabtay Muqdisho.
Bartamaha (Muqdisho):- Taliska Booliiska Dowlada KMG ah ayaa maanta soo bandhigay Kooxo amaanka halis ku ahaa kuwaasi oo laga soo qabqabtay dhulka Dowlada Maamusho.
Col.C/laahi Xasan Bariise ayaa maanta saxaafada u soo bandhigay dhalinyaro laga helay Hub u yaalay guri ay daganaayeen oo ku yaalay Degmada Waabari kuwaasi oo looga shakiyay abaabulka fal ammaan dara ah.
Sargaalka Booliiska u hadlayay ayaa daaha ka qaaday in dhalinyaradan la qabtay ay gaarayeen 10-dhalinyara ah oo dhammaan shaki laga qaaday markii laga helay guriga ay daganaayeen Hubka fudud iyo walxaha qarxa.
Howlgal Booliiska Dowlada ay ka sameeyeen gudaha Degmada Waabari Muqdisho ayaa xalay lagu soo qabqabtay dhalinyaradaasi oo lala soo qabtay 7-qori gacmeed oo laga helay guriga ay ka daganaayeen Degmadaasi.
Col.Bariise Afhayeenka Booliiska ayaa balan ku qaaday in Howlgalada nuucan ah uu sii socon doono illaa Degmadaasi laga tirtiro Kooxaha ammaanka halista ku ah oo uu ku sheegay dhalinyarada wakiilada u ah Alshabaab.
Dhalinyarada Howlgalka lagu soo qabtay ayaa waxaa la soo sheegayaa in saaka baaritan lagu marsiinayay Xarunta CID-da halkaasi oo saxaafada loogu soo bandhigay dhalinyaradaasi la soo qabqabtay.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments