Dabley hubaysan oo dishay haweenay guddoomiye ku xigeen ka ahayd degmada Yaaqshiid
Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa xalay fiidkii ku dilay degmada Yaaqshiid guddoomiye ku xigeenkii degmadaas oo ahayd haweeney lagu magacaabi jiray, Raxmo Daahir.
Dilkan oo aysan jirin cid weli sheegatay mas’uuliyadiisa ayaa waxay xubno ka tirsan maamulka degmadaas ku eedeeyeen Al-shabaab, iyadoo howlgal lagu raadinayo kooxihii ka dambeeyay dilkaas uu ka socdo Yaaqshiid.
Haweeneydan ayaa lagu toogtay meel ku dhow isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid, iyadoo kooxihii weerarka geystay ay u suurogashay inay halkaas ka baxsadaan.
Muxyadiin Xasan Jurrus Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid oo si kooban uga hadlay dilka ku xigeenkiisii ayaa sheegay inay socdaan baaritaanno lagu raadinayo kooxihii weerarkaas ka dambeeyay, lana horkeeni doono sharciga.
Comments
comments