Calendar

Daawo Sawirro Guddomiyaha G. Mudug oo booqasho ku tegay Beeraha degmada Bacaadweyn

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Maxamad yuusuf Jaamac Tigey ayaa maanta Kormeer Shaqo ku tagay Beeraha Tarro Caso, Afwayn iyo Qoriley Halkaas oo uu kula Kulmay guddoomiyuhu Guddiga Iskaashatada Beeraleyda iyo XooloDhaqatada Deegaankaas ugu Horrayn waxaa

Guddoomiyaha Gobolka Warbixinta Deegaanka siiyay Guddoomiyaha Iskaashada Kubad Maxamuud Dalmay wuxuu ka war bixiyay Beeraha oo isugu jira geed mirood , qudaar iyo raashin. wax soo saarkooda wixii loo qabtay , waxay qab sadeen iyo waxay u baahan yihiin in gacan laga siiyo oo ay ugu baahi badan yihiin abuurka, daawada iyo cagaf ay ku jabiyaan dhulka wuxuu kaloo guddoomiyaha iskaashatadu ka war b

ixiyay xoolaha iyo xaaladdooda caafimaad oo uu sheegay inay jiraan cuduro ay ka mid yihiin jadeecada iyo sambabka ayna u baahan yihiin in dawo la soo gaarsiiyo wuxuu kaloo ka warbixiyay guddoomiyaha iskaashatadu deegaanka oo xaalufin badan lagu hayo oo ay itaal u waayeen

ayna ku hayaan xaalufintaas shufto ka timaadda magaalooyinka gaalkacyo iyo cagaaran oo wata miinshaaro koronto ah oo geedka oo qoyan daqiiqado salka looga goynayo kadibna laamaha laga jarayo isagoo jarjarana iskarogooyin lagu daabulayo shuftadaas oo hubaysan

Guddoomiyaha iskaashatadu wuxuu maamulka ka codsaday in laga soo gaaro shuftadaas deegaanka dhibaatada ku haysa  waxaa kaloo

goobta ka hadlay xubno ka mid ah xooladhaqatada iyo beeralayda waxay ku tilmaameen shuftada deegaanka xaalufka ku haysa inay noloshooda duulaan ku yihiin hadaan wax laga qabana deegaanka aan lagu noolaan doonin oo uu noqonayo saxare aan waxba ka bixin noolana ku noolaanayn gabagabadii waxaa hadalka qaatay Guddoomiyaha Gobolka wuxuu ugu horrayn ka mahad celiyay soodhowaynta

wuxuuna ku amaanay dadku siday dhulkooda uga faa,iidaysteen oo wax uga qabsadeen wuxuu kaloo Guddoomiyuhu sheegay wasaaradaha ay khusayso arrimaha ay ka hadlayaan eek ala ah wasaaradda Deegaanka, Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Wasaaradda Beeraha intuba inay gobolka ka hawlgalaan cabashadiinana ay wax ka qabanayaan .gabagabdii kulanka ayaa dadka deegaanku waxay

Guddoomiyaha Gobolka Tuseen Qurac aad u waawaynayd oo salka laga xiiray Guddoomiyaha ayaa Jaridda dhirta uu arkay ku tilmaamay arrin murugo leh aanna loo dulqaadan Karin sida ugu dhaqso badana wax looga qabandoono ciidanna lagusoo saaridoono wax mayaqaanada waxaan sameeyay ayuu guddoomiyuhu yiri ,

wuxuu kaloo guddoomiyuhu sheegay inaysan aqbalidoonin in la sheego malaayiin Doollar ayaa deegaanka puntland loogu deeqay Hay,ado ayaa qaybsaday waxay ku dhamaatay gawaari cadcad iyo warwareeg iyo siminaaro aan waxtar lahayn inay la xisaabtamidoonaan cid walba oo deegaanka shaqo ku leh.

Guddoomiyuhu wuxuu dadka deegaanka ku boorriyay inay noloshoodu dhirta ku xiran tahay ciddii dhirta jartaana ay noloshoodii jarayso lagama maarmaana aytahay inay la dagaalamaan maamulkuna gacan buuxda ayuu idin ka siinayaa la dagaalanka shuftadaas noloshiina ku soo duushay  ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Ma ahan Socdaalkan kii ugu  horeysay Gudoomiyaha Gobalka Mudug uu ku booqdo qaar ka mid ah beeraha Gobalka Mudug .

unnamed (4) unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed

 

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: