Daawo Sawirrada Odayaasha dhaqanka Soomaalida oo Muqdisho kulan ku yeeshay
Kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen Golaha Salaadiinta Soomaaliyeed wacyi gelinta iyo dib u heshiisiinta ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan ay khudbado ka jeediyeen Salaadiin iyo boqor caan ka ah dhaqanka Soomaaliyeed.
Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Hey’adda Wada hadalka bulshada CCD ayaa halku dhigiisu ahaa in Beelaha Soomaaliyeed aysan taageerin Al-Shabaab, iyadoo odayaasha ka hadlay kulanka ay soo jeediyeen fikrado iyo talooyin ku saabsanaa dhinaca nabada iyo dib u heshiisiinta.
Caaqil Khaalid Cabdi Jimcaale oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay u taagan yihiin xalka umada, isagoo tilmaamay in aanay beelaha Soomaaliyeed taageerin Al-Shabaab, waxaana uu tibaaxay in Al-Shabaab ay hada is ugaarsanayaan.
“Maanta Al-Shaaab ayaga is ugaarsanaya oo is baabi’inaya, markii hore xaqdaro ayay ku heshiiyeen, Axmed Godane wuxuu leynaya ragii rag ugu dhowaan sida Al-amriiki ayuu dilay iyo ragii kale ee gacantiisa midig aheyd, dhalinayarada Soomaaliyeed ee la qalday haka soo laabteen ayaan leenahay”ayuu yiri Caaqil Khaalid Cabdi Jimcaale.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Caaqil Khaalid in dalku uu cagta saaray wadadii nabada, barwaaqada, wada jirka iyo dib u dhiska, waxaana uu ka dhawaajiyay dhalinyarada la soo dhoweeyo, wacyi gelin iyo tababaro la siiyo.
Suldaan Kamaal Salaad Xasan ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka inay is xilqaamaan oo ay ka qeyb qaataan wacyi gelinta, isla markaana dariiqa saxda ah lagu toosiyo, lagana leexiyo qaldan, waxaana uu sheegay in umada Soomaaliyed ay midoobeen, si la isaga daaweeyo bur burkii dalka ku dhacay.
Waxaa kaloo kulanka ka hadlay Suldaan C/casiis ayaa sheegay in odayaasha aanay cabsi gelin, isla markaana iska xil saaraan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen nabadeynta iyo xasilinta dalka, isla markaana dhaqanku u howl galaan in umada soomaaliyeed la isku soo dumo, lana is cafiyo.
Jeylaani Maxamed Coof oo ka mid ah odayaashii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in duubabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in aan la hoos gelin fikradaha xagjirnimo, isla markaana laga hortago dul duleelaha.
Caaqil Jaah Ibraahim Xasan oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka loo abuuray dib u heshiisiin iyo wacyi gelin, isla markaana beelaha Soomaaliyeed aysan gabaad siin Al-Shabaab.
Gudoomiyaha Golaha Salaadiinta Soomaaliyeed ee wacyi gelinta iyo dib u heshiisiinta Boqor Faarax Cabdi Guure oo gaba gabadii ka hadlay kulanka ayaa sheegay in aanay odayaasha wax cabsi ah gelin, isagoo xusay in naf walba ay maalinteeda go’do, ayna u taagnaadaan odayaasha dhaqanka bad baadinta umada iyo wacyi gelinteeda.
Ugu dambeyn ayaa qeybihii odayaasha dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa is weydaarsaday fikrado iyo talooyin la xiriiray qodobada ay uga doodayeen dood cilmiyeedka, waxaana ay soo jeediyeen in bulshada ay ka digtoonaadaan cid kasta oo fidno iyo dhibaato ku ah, gaar ahaan beelaha Soomaaliyeed aan la kala qeybin, ayna taageerin kooxaha dhibaatada ka wada dalka.
Comments
comments