Daawo Sawirrada madaxweynaha Soomaaliya oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyay magaalada Washington
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirada Arrimaha Dibada Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirka Maaliyada Maxamuud Xasan Suleymaan, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir iyo La taliyeyaal qaas ah ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka qeyb geli doona shirka sanadlaha ee Qaramada Midoobey ee ka dhacaya dhamaadka bishan magaalada New York, isagoo booqasho ku tagayo Gobolada ay degan yihiin Soomaalida ee dalka Mareykanka.
Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa muhiimadiisa koowaad ah sidii uu ugala xaajoon lahaan, kuna dhiira gelin lahaa dowladda Mareykanka kordhinta taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga iyo horumarinta nabada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmay Senator John McCain ee laga soo doorto Gobolka Arizona iyo Xildhibaano kale oo uu kala hadlay arrimo ku saabsan taageerida Soomaaliya iyo dib u habeynta hey’adaha dowliga ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu la kulmi doono Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, taasoo noqoneysa markii labaad oo Madaxweyne Soomaaliyeed la kulmo Madaxweyne Mareykan ah muddo sodon sanood.
Ma ahan booqashadii u horeysay ee uu Madaxweynaha ku tago Mareykanka, iyadoo booqashadan ay tahay tii labaad oo uu dalkaas ku tago tan iyo markii la doortay.
Comments
comments