read more »">
Calendar

Daawo Video-ga & Sawirada Masjidkii la qarxiyay Suuqa Bakaaraha (Sawiro).

qaraxa8aadBartamaha(Muqdisho):-Waxaa soo ifbaxay qasaarihii ka dhashay qaraxyadii masjidkii Bakaaraha oo maanta Laba qarax dad badan lagu laayay.

Qasaaraha dhimashada ayaa sii kordhaya iyadoo in ka badan 45-ruux ay dhinteen 60-ka badana dhaawac uu soo gaaray markii Laba qarax maanta lala beegsaday Fu’aad shangole oo ka mida saraakiisha shabaab.

Waxaa la xaqiijiyay dhaawac culus oo gaaray Fu’aad Shangole oo xiligaasi isaga la doonayay in lagu dilo qaraxyada isagoo ku mashquulsanaa Kitaabo uu u aqrinayay dhalinyaro.

Alshabaab afhayeenkooda Cali dheere ayaa qaraxaasi Cambaareeyay waxa uuna sheegay in Shirkado shisheeye ay ka dambeeyaan horayna ay Xarakada uga digtay.

C ali Dheere ayaa dhanka kale cadeeyay in Alshabaab ay joogaan meel walba hadii la doonayo in la beegsadana ay cid kasta u imaan karto balse aanay ahayn ujeedada in la dilo Fu’aad shangole.

dhanka kale Daahir Geele oo Kooxda Dowlada u hadlay ayaa cambaareeyay qaraxyada isagoo ku tilmaamay xasuuqa shacabka iyo Cibaadada masaajida oo markii horaba dadka lagu dili jiray.

Wasiirka Warfaafinta Mr.Geele waxa uu ku baaqay in Kooxaha Xizbul Islaam iyo shabaab ay shacabka xasuuqa ka daayaan maadaama marar badan ay qaraxyo nuucaasi ah isla beegsadeen.

Ugu dambayntii Xasan Daahir oo horboode u ah Kooxda Xizbul Islaam ayaa isaguna cambaareeyay xilli dam be oo maanta ah qaraxyada oo uu ku shegay kuwa Cadowga ay soo maleegeen.

Xasan Daahir ayaa ku tilmaamay qaraxyada xasuuqa Culimada iyo dadka Cibaadaysanaya oo uu sheegay in masaajida loo diidanyahay lana doonayo in lagu necbaysiiyo .

Cambaareynta iyo hadalada ka soo kala yeeray Kooxaha shacabka dushiisa maalin walba isku laaya ayaa imaanaysa xilli Maanta shacab badan lagu laayay qaraxyo laba ahaa oo ka dhacay Masjid ku yaala Suuqa Bakaaraha.

Daawo video-ga [ Al Jazeera English ]

Daawo Sawirada:-

qaraxa8aad

qarax3-aad

qarax7aad

qaraxa1

qaraxa9aad

qaraxa 1aad

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: