Daawo Sawirada Heshiiska Puntland Iyo Dowladda Faderaalka
Garowe (BARTAMAHA) Shirkii Wada Xaajoodka Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaliya uga socday magaalada Garoowe ayaa maanta soo af jarmay..
Gabagabada shirkaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,Raysal Wasaaraha Dalka Soomaliya Cabdiweli Shiikh Axmed ,Madaxweyne ku Xigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Camay ,Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire,Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaliya Mahad Cawad.
Shirka ayaa waxaa sidookale Goob joog ahaa Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Nicholas kay, Wakiilka gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey , Wakiilka gaarka ah ee Midowga Europe u qaabilsan Soornaaliya Ambassador Michele Cervone d’urso iyo Safiirka Ethopia u fadhiya Soomaliya iyo Gudoonka IGAD Ambassador Wondimo Asamnew.
Hoos ka daawo sawiradii shirka:
Comments
comments