DAAWO: Madaxweyne Sh. Shariif & Raiisal Wasaare Farmaajo oo soo dhoweeyay dilkii Osama Bin Laden (VIDEO)
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhaweeyay dilka hogaamihii Al-qaacidda Usaama Bin Laadin, kadib kulan uu maanta Muqdisho kula qaatay Guddiga Amniga Qaranka.
Kulankaasi oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha, R/wasaaraha, wasiiru-dowlaha Gaashaandgigga, Taliyayaasha Ciidamada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Madaxweyne Shariif waxaa uu sheegay in Usaama Bin Laadin uu ka danbeeyay dhibaatada ka taagan dalkeenna, isla markaana uu soo abaabulay qaraxyo ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Beledweyne, Hotel Shaamoow, Hotel Muna iyo weerarro kale oo haween, carruur, Culimo iyo masuuliyiin ay ku dhinteen.
Sidoo kale Madaxweynuhu waxaa uu intaa ku daray in Usaama uu doonayay in dalkeena uu ka dhigto meel looga duulo dadalka kale ee caalamka, sidaasi darteed waxa uu ugu baaqay umadda Soomaaliyeed in ay gacan ka geystaan nabadgelyada.
Hay’adaha ammaanka dalka ayuu madaxweynuhu ugu baaqay in ay xoojiyaan howl gallada lagula dagaallamayo kooxda Shabaab oo gacan saar la leh Ururka Al-qaacidda oo dagaal yahanno badan u soo diray waddanka si ay u caawiyaan Maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee Shabaab.
Comments
comments