C/wali Cali Gaas oo ka qaybgalay xaflad heersare ah oo loo qabtay arday Soomaaliyeed oo ka qalanjabisay jaamacadaha dalka Itoobiya
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya C/wali Cali Gaas ayaa waxaa uu ka qaybgalay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay joogeen diplamaasiyiin sarsare oo ka tirsan midowga Afrika, taasoo ka dhacday mid kamid ah hoolalka midowga Afrika ee ku yaalla magaalada Addisababa.
Waxaana ardaydan oo badankoodu ka yimid maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ugu hambalyeeyay dadaalkii dheeraa ay u soo galeen inay xaqiijiyaan hammigooda ahaa inay mar un jaamiciyiin noqdaan.
In ka badan 300 oo arday oo dhamaysay jaamacadaha kala duwan ee dalka Ethiopia ayaa xaflada qalin jabin ah waxaa loogu qabatay xarunta weyn ee Midowga Africa ay ku leedahay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ,waxaana munaasabadaas ay ahayd mid si weyn loo soo agaasimay oo ay ka so qayb galeen siyaasiyiin xilal ka haya dalka ay ardaydaan jaamacadaha ku dhameeyeen. Ardaydan oo kuliyado kala duwan ka qalin-jabiyay ayaa u badnaa ree Puntland ,iyagoo dhamaystay kuliyado ay kamid yihiin International Relations ,HRM ,Bussiness Adminstration ,Computer Science iyo Sociology,waxaana laga dheehan karay farxad aad u saraysa oo la xiriirta in ay gaareen mid ka mid ah hamigooda . Munaasabaddan musuuliyiintii ka soo qayb-galay waxaa kamid ahaa wasiirka beeraha iyo dalxiiska Ethiopia ,safiirka South Sudan u fadhiya Addis-Ababa iyo madax kale oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada dalka Ethiopia,kuwaas oo dhamaantood hambalyo u diray ardaydan dhamaysatay jaamacadaha wadankan iyo dhamaan qayb kale ee Soomaaliyeed. Cabdulaahi Cali Yuusuf oo kamid ah ardayda qalin-jabisay ayaa sheegay in arintan ay guul weyn u tahay isaga ,isla markaana uu dadaal badan u soo galay sidii uu mar un u heli lahaa shahaadada koowaad ee jaamacadda ,isagoo xusay in ardayda Puntland ay dadaal badan muujiyeen,waxaana uu ku nuux -nuuxsaday in Ethiopia ay si gaar ah ugu mahad-celinayaan.
Comments
comments