Calendar

Cumar Xaashi iyo Shariif Xasan oo Addis Ababa jooga xilli ay Ciidanka Itoobiya Hiiraan soo galeen.

omar-hashiBARTAMAHA (Muqdisho):-Wasiiro katirsan Xukuumadda FKG Somalia ayaa booqasho aan horay loo shaacin ku tegay magaalada Addis Ababa dalka Itoobiya.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa shaki ka muujinaya in dowladda Somalia ay dalbato Ciidan Itoobiyaan ah haddii ay Mucaaradku siiwadan meela qabsiga.

Wasiirka Abniga Qaranka iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa la xaqiijiyay in ay caawa ku suganyihiin magaalada Addis Ababa.

Cumar Xaashi iyo Shariif Hassan Shiikh Adan ayaa kulamo xasaasi ah Addis Ababa kula leh Males Zanawi iyo Saraakiil Itoobiyaan ah mana jirto cid sheegi karta waxa ay kawada hadlayaan.

Wasiirka Abniga ayaa horay usheegay in dalka ay dagaallo ka wadaan Kooxo Argagaxisa ah, dad badan ayaa isweydiinaya waxa iskusoo beegay Socdaalka Cumar Xaashi iyo soo gelintaanka Ciidanka Itoobiya Gobalka Hiiraan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Dowladda Somalia ay Itoobiya ka dalbatay in Wadamada Africa ay cadaadis ku saarto Ciidamo Somalia loosoo diro.

BARTAMAHA/ RBC Muqdisho Somalia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: