Culimada Soomaaliyeed oo maanta magaalada Muqdisho uu uga furmay shir soconaya mudo 6-maalin ah.
Waxaa maanta magaalada Muqdisho uga furmay kulan soconaya mudo 6-maalin ah Hay’ada Culimada Soomaaliyeed.
Â
Â
Shirkan hay’da culimada Soomaaliyeed oo socon doona ilaa 11-ka bishan ayna ka qeyb galayaan culimo ka kala timid dibada iyo gudaha dalka ayaa maanta waxa uu ka furmay hotelka Guuleed ee magaalada Muqdisho.
Â
Gudoomiyaha hay’dda culimada Soomaliyeed Sh/Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in ula jeedka shirkan uu yahay qiimeynta waxyaabihii kahirgalay bayaankii ay 2- bilood kahor soo saareen  iyo sidii ay talaaboyin cusub uqaadi laaheen islamarkaana ay udardar galin lahaayeen howlahoodii musaalaxadaÂ
Â
Sidoo kale gudoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha hawiye Max’ed Xasan Xaad oo kamid ahaa dadkii shirka ka hadlay ayaa sheegay inay garab taaganyihiin go’aano waliba oo kasoo baxa hay’da culimada ayna ayidayaan wixii ay shirkan kasoo saaraan.
Â
Bishii April ee sanadkani ayeey aheeyd markii hay’ada Culimada Soomaaliyeed ay go’aamo ka soo saareen kulankii ay dhawaan ku yeesheen magaalada Muqdisho kaasi oo ay ka mid ahaayeen in Dalka mudo 120-maalin ah oo u dhiganta 4-bil ay dalka uga baxaan iyo in aan la weerarin ciidamadasi dowladana ay ku dhaqanto Shareecada islaamka taasi oo ay muuqato in ay ka hir galeen oo kaliya in dowlada ay qaadatay ku dhaqanka Shareecada islaamka.Â
Comments
comments