read more »">
Calendar

Culimada Soomaaliyeed oo Bulshada ugu Hambalyeeyay Sanadka Cusub Ee Islaamka

hijraBartamaha (Garoowe):- Hay’ada Culimada Soomaaliyeed ayaa Hambalyo ku aadan Sanadka Cusub Ee Hijriga Islaamka u dirtay bulshada Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Caalamka.

Qoraalka Wadaada:-

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Assalamu Caleykum Wa-Raxmatulaahi Wabarakaatuhu

Hayadda culumada soomaaliyeed waxay ugu tahniyadaynaysaa muslimiinta oo dhan, gaar ahaan shacabka soomaaliyeed,sannadka cusub ee hijriga,waxayna ilaahay ka baryaysaa in uu noqdo sannad khayr iyo barako:,waxayna xusuusinaysaa :

1-is-badalka waqtigu,wuxuu ka mid yahay aayadaha ilaahay,waana in lagu cibra qaato,loogana faa’iidaysto gudashada xaqa ilaahay iyo kan aadanaha,iyo towbad dhab ah,ilaahay wuxuu yiri:

Nabiguna-sallallaahu calayhi wasallam,wuxuu yiri: “ilaahay wuxuu fidiyaa gacantiisa habeenkii si uu u tooban keeno qofkii maalintii dambaabay,maalintiina wuu fidiyaa gacantiisa si uu u toobad keeno qofkii dambaabay habeenkii,ilaa qorraxdu ka soo baxdo meesha ay u dhacdo.”(waxaa wariyay muslim).

2-Sannaduhu way socdaan ayadoo aysan waxba is-badalin, ballamo badan na aan la oofin,marka sannadkaan ha noqdo mid quluubta la hagaajiyo si acmaashu u hagaagto axwaashuna isku badasho,ilaahayna wuxuu yiri:”Illaahay ma bedelo qolo illaa ay bedelaan waxay iyaga ku sugan yihiin”.

3-Sannadkan ayaa noo dhashay ayadoo wali ay dhiigayaan dhaawaca muslimiintu,waxaana ugu laxow badan dhaawaca ay gaysanayaan dad khayr raba laakiin jihadu ka khaldan tahay,marka ilaahay ha laga baqo,wixii dhacayna ha lagu waano qaato,ummadana sida ha loo dhaamo.

4-Hayaddu waxay mar kale ugu baaqaysaa dhinacyada soomaaliyeed ee dagaalka ku dhegan,in ay ka joogaan,kuna cibra qaataan mirihii kharaaraa ee sannadkii tagay,kumanaankii dhintay,dhaawacmay,barakacay,baduhu liqeen,bacaadku cunay,inta xabsiyada lagu iloobay,gabdhaha sharaftooda waayay,iyo boqolaalka kun oo martida u ah hayadaha kirishtaamaynta,marka waa in xisaabtooda ay dib ugu noqdaan lana yimaadaan qorshe ay ummadda ku cayminayaan.

Ilaahay ha ka qaado ummadda fitnada iyo dhibka.

Sh. Bashiir Axmed Salaad

Madaxa Hayadda Culumada Soomaaliyeed

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: