Culimada oo baaq u dirtay Kooxaha dagaalada ku caan noqday (War-saxaafadeed).
Bartamaha (Muqdisho):-Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo soo saartay baaq ku wajahan Xoogaga dagaalada ka wada dalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’ada Culimada Soomaaliyeed ayaa soo jeedisay baaq ku wajahan Xoogaga dagaalada ka sii hurinaya dalka.
War-Saxaafadeed:-
BAAQ KU SAABSAN MUNAASABADDA XAJKA 1431 H
الحمد لله،والصلاة والسلام على رسول الله،وبعد
Hayadda culimada soomaaliyeed,waxay ugu tahniyadaynaysaa muslimiinta ,gaar ahaan xujayda,munaasabadda xajka iyo maalmahaan fadliga badan,waxayna ilaahay uga baryaysaa dambi dhaaf iyo xaj maqbuul,hayadduna ayadoo ka faa’iidaysanaysa fursaddaan barakaysan,gudanaysana naseexada muslimiintu isku leeyihiin,waxay soo jeedinaysaa baaqaan:
1-waxauy ugu yeeraysaa dhinacyada doorbiday dagaalka soomaaliya, in ay ilaahay uga baqaan dhiiga xaaraanta ah,ayna xurmeeyaan,ugu yaraan bilaha xurmada leh,ayna ku cibra qaataan wixii ka dhashay falalkooda burinaya ujeedooyinka shareecada,oo aan diina oogeyn,adduuna reebeyn.
2-waxay ugu baaqaysaa dhinacyadaas iyo cid kasta oo arinku khuseeyo ,in fursad la siiyo musaalaxada ay wadaan culumada,odayaasha iyo wax-garadku,si loo caymiyo shacabka wixii ka haray.
3-waxay ugu baaqaysaa ururka caalamka islaamka,jaamacadda carabta iyo dowladaha islaamka,in qadiyadda soomaaliyeed la siiyo mudnaanteeda,si loo xalliyo dhibkana looga baxo.
4-waxay ugu baaqaysaa dowladaha muslimka ah iyo hay’aadkooda samafal,in loo fidiyo shacabka soomaaliyeed gargaar deg deg ah,si looga fududeeyo dhibaatada haysata.
5-waxay ugu baaqaysaa,guud ahaan muslimiinta,gaar ahaan xujayda,in maalmahaan fadliga badan,looga faa’iidaysto towbad dhab ah iyo in meel la iska dhigo khilaafka,ilaahayna la baryo,si uu dhibka nooga faydo ,farajna noogu furu,ilaahay baa awood leh,asagaana talo ku filan.
وصلى الله وسلم على نبينا محمد وآله وصحبه أجمعين.
والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Sh. Bashiir axmed salaad
Madaxa hayadda culimada soomaaliyeed
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
.
Comments
comments