Cudurka Shuban Biyoodka ah oo dad ku laayay Degmada Xudur.
Bartamaha(Xudur):-Degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxa ka taagan dhibaato xoogan oo xagga caafimaadka ah iyadoo dad badan ay u dhinteen cudurka Shuban biyoodka.Â
Cudurka Shuban biyoodka ayaa waxa uu sababay dhimashada in ka badan 10-qof gudaha todobaadkan iyadoo dad kale ay yaalaan Isbitaalka Deegaankaasi.
Qaar ka mid Ehelada dadka cudurka uu soo ritay ayaa waxa ay sheegeen in dhibaato xoogan ay haysato islamarkaana aanay haysan dawooyin lagu dabiibo bukaanada.
Sanad walba marka la gaaro bishan Marso waxaa goboladaasi ka dilaaca cudurka shuban biyoodka oo ay dad badan u dhintaan maadaama kuleyl badan ay noqoto cimilada soomaaliya.
Isku soo duub ma jiro cid dawooyin siisay dadka dhibanayaasha ah ee caafimaad darada ay soo wajahday dadka dagan dhulka miyiga ah ee Gobolka Bakool waxaana jira Gobolo kale oo dhibaatadaasi ay ka taagantahay oo cudurkaasi shuban biyoodka uu ka dilaacay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments