C/rashiid Max’ed Xidig Oo Meleeshiyadka Shabaab ku Eedeeyay in Goob Militery ka dhigteen Suuqa Bakaaraha
Mugadisho/Bartamaha:Wasiir ku xigeenka Wasaarada arimaha bulshada, Shaqada iyo Shaqaalaha, dhalinyarada iyo Cayaaraha xukuumada KMG Soomaaliya C/rashiid Max’ed Xidig oo maanta usheegay Warbaahinada Mugadisho ka jiro, in xirnaashaha Suuqa Bakaaraha ay masuul ka yihiin Kooxda Shabaab islamarkaana Goob Militery ka dhigeetn.
“Suuqa Bakaaraha waxuu u xiranyahay wee iska cadahay, waxaa saldhigyo ka sameestay Al-shabaab, Shacabkana iyaga ayaa ka xiray Suuqa” ayaa laga soo xigtay Wasiir ku xigeenka Bulshada C/rashiid Max’ed Xidig C/rashiid Max’ed Xidig .
Mr Xidig ayaa Shabaabka ugu baaqay inay ka baxaan Suuqa Bakaaraha islamarkaana ay yimaadaan Goobta lagu dagalamaayo ayaa ka mid ahaa hadaladiisa Wasiir ku xigeenka Wasaarada arimaha bulshada, Shaqada iyo Shaqaalaha, dhalinyarada iyo Cayaaraha xukuumada KMG Soomaaliya C/rashiid Max’ed Xidig .
Wasiir Ku Xigeenka Bulshada ayaa ku nuux nuuxsaday in Shabaabka ay goob militry ay ka dhigteen Suuqa Bakaaraha oo haatan xiran, waxuuna sidoo kale qiray C/rashiid Xidig in Shabaabka ay ku kor dagalamayaan Shacabka ku ganacsanaya Bakaaraha.
Haddaba Suuqa Bakaaraha ayaa gabi ahaanba xirmay iyadoo saameyn weyn ku yeeshay Dadkii quudka ka raasadnjiray oo haatan iska joogo Deegaanadi ay kasoo shaqa tagi jireen, iyadoo Xukuumadda Dowladda FKMG Soomaaliya ay dusha kaga tuurtay xirnaasha Suuqa Bakaaraha Maleeshiyaadka Shabaab.
www.Bartamaha.com
Comments
comments