Congress-ka Mareykanka oo meel marshay Daryeelka Caafimaadka (VIDEO+ Sawiro)
Bartamaha (Washington, DC) Congresska dalka Marayakanka ayaa meel marshay sharci uu watay Madaxweyne Barack Obama, oo ku saabsan daryeelka caafimaadka.
Madaxweyne Obama, oo natiijada codaynta soo dhoweeyey, ayaa yiri. “ka dib markii mudo ku dhow boqol sanadood laga dodaayey laguna daalay, ay dadka Maraykanku aakhirkii heleen xaqiijin ah in caafimaadkooda la daryeelayoâ€
Musharixiinta xisbiga Dimuqraadiga ayaa farxad la qayliyey, markii natiijadu cadaatay waxaana u codeeyay 219 halka 212 ay ka hor yimaadeen qorshahaasi.
Halkan ka daawo khudbaddii Madaxweyne Obama uu jeediyay markii la meel mariyay Daryeelka Caafimaadka:
Mucaaradka xisbiga Jamhuuriga ah ayaa sheegay in sharcigani yahay mid kharash badan keenaya, oo eenaya faragelin xukuumada ah iyadoo arrintan lagu tilmaamay in ay tahay tilaabo Muhiim ah.
In ka badan 30 Million Sodon Milyan oo qofood ayaa ku faa’iideesan doona sharcigan iyadoo tan iyo sanadkii 1965 aysan dad badan oo Mareekan ah aysan helin Daryeel caafimaad oo Bilaash ah.
Madaxwayne Barack Obama oo dadaal badan u galay sidii uu ugu guuleesan lahaa Qorshahan ayaa la filayaa in uu dhawaan Qalinka ku duugo Daryeelka Caafimaadka ayna ku bixi doonto Balaayiin Lacag ah ayna ka faa’iideesan Malaayiin dad ah.
16% Daqliga dalka Mareekanka ayaa lagu bixiyaa caafimaadka dadwayanaha balse 59.3% shacbaka Mareekanka waxa ay daryeelka caafimaadka ka helaan goobaha ay ka shaqeeyaan.
Barack Obama oo sanadkii la soo dhaafay ku guuleestay in uu dalka Mareekanka Madaxwayne ka noqdo ayaa ku guuleestay in uu Congress-ka meel mariyaan ama u codeeyaan Daryeelka Caafimaadka si dad badan oo Mareekan ah ay u helaan caafimaad bilaash.
Ansixinta taariikhiga ah ee ay congress-ka ugu codeeyaan Daryeelka caafimaadka ayaa awood u siinaya Dowladda uu hoomiyo Madaxwayne Obama in lagu sameeyo is badal daryeelka caafimaadka.
Ibraahim Da’ud Abdalle
xafiiska Bartamaha ee Nairobi.
sawiro dheeraad ah hoos ka daawo.
Comments
comments