Calendar

Col Xasan Daahir Aweys oo Yiri “Dowladda Eritrea Way na Taageertaa

aleqm5ii3e0y9tkye4u4potadjf8t4p22qCol Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Hogaamiyaasha ka soo horjeeda Dowladda KMG ah ayaa isagoo u waramayay  Wakaaladda Wararka ee Reuters sheegay in kooxaha  ka soo horjeeda Dowladda KMG ah ay saanad Milateri iyo Hub ay ka helaan Dowladda Eritrea

Sidoo kale Col  Xasan Daahir Aweys uu sheegay in gudaha Soomaaliya ay joogaan Dagaalyahano Ajaaniib ah, wuxuuna muujiyay inay ka bar bar dagaalkamayaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka soo horjeeda Dowladda KMG ah, wuxuuna xusay in dagaalyahanaadasi badankood ay yihiin Carab.

Col  Xasan Daahir Aweys wuxuu been aan sal lahayn ku tilmaamay in ilaa 300-ama 400 dagaalyahano ah ka bar bardagaalamayaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG ah, wuxuuna cadeeyay inay Magaalada Muqdisho joogaan labo ama saxada ajaaniib ah oo kaliya, wuxuuna sheegay inay ku soo biireen ragaasi ajaaniibta ah dagaalka lagu hayo Dowladda Sheekh Shariif.

“Dowladda Eritrea waa dowlad na taageerta, Balse Dowladda Itoobiya Waa cadowgeena, anaga labadaasi dalba horay waan u taageeri jirnay, hase yeeshee Dowladda Itoobiya Abaalkii aan u galnay nooma soo gudin” ayuu yiri Col Xasan Daahir Aweys  oo sheegay inaysan u dagaalamayn inay helaan jago ama xil, balase Ujeedkoodu yahay in diinta Islaamka dalka lagu xukumo.

 Dhinaca kale Col  Xasan Daahir Aweys waxa uu sheegay inaysan aqoonsanayn Dowlad hada ka jirta Soomaaliya, islamartkaana ayuusan  wiligiis aqoonsanayn  dowlad uu sheegay inay soo dhiseen wax uu ugu yeeray reer Galbeedka, islmarkaana ay sii wadi doonaan dagaalkaasi ay uga soo horjeedaan Dowladda lagu soo dhisay Jabuuti, islamarkaana ay aaqirkii ka guukaysan doonaan Dowladda Soomaaliya.

Comments

comments

About Staff Writer

Bartamaha Staff Writer - Location: Columbus, Ohio
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: