Col.Bariise “Booliiska Dowlada way u diyaarsanyihiin in ay ka saaraan Dalka Shabaabiyiinta iyo Xizbiga…”
Bartamaha(Muqdisho):-Taliska Booliiska Dowlada KMG ah ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay laa wareegayaan dhamman saldhigyada ay maamulan Alshabaab iyo Xizbul Islaam.
Afhayeenka Ciidanka Booliiska Col.C/laahi Xasan Bariise ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay Ciidanka ku yaacayaan Kooxaha ku sugan aagaga hore islamarkaana ay ka saarayaan Magaalada.
Afhayeenka ayaa muujiyay dhibaatada ay wadaan Kooxaha Mucaaradk isagoo ku faanay in xiligan la helay Ciidankii ka saari lahaaa dalka Kooxaha hadda ku soo dhawaaday Villa Somalia.
“Booliiska Dolada way u diyaarsanyihiin in ay ka saaraan Dalka Shabaabiyiinta iyo Xizbiga… oo ah kooxo dhibaata ku hya maalin walba shacabka maatada ah” ayuuyiri Col.Bariise.
Afhayeenka ayaa ugu dambayntii balan qaaday in la soo celin doono maalmaha soo aadan dhamman Magaalada Muqdisho oo in mudda ah gacnaha ay ka taabteen Ciidanka Dowlada.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments