Codbixiyaasha Somaliland oo tiradooda La Shaaciyey
Bartamaha (Hargeysa):-Guddiga doorashada Somaliland ayaa maanta shaaciyey tirada dadka ka qeybgalaya doorashada ka dhacaysa Somaliland 26 Bishan June, 2010.
Tiradda dadka codeenaya ayaa lagu sheegay in ay kor u dhaafayan Hal Milyan oo Qofood sidaa waxaa lagu sheegay Shir Jaraa’id oo ay gudiga Doorashada ku qabteen Magaaladda Hargeeysa.
Gudiga doorashada ayaa sheegay in tahay mida saxda ah iyadoo la soo sheegayo in kadib u habeyn laga saaray dad gaaraya 300,000 oo qofood una badna caruuru iyo dad magacyadooda dhowr mar la qoray.
Warbixinta ay maanta soo saareen xubnaha guddiga doorashada Somalilad ayaa ku soo beegmeysa iyadoo maalmo illaa 6 ah ay ka harsan yihiin doorashada guud ee ka dhacaysa Somaliland taasoo ay ka qeybgalayaan saddexda xisbi ee siyaasada.
Waxaana horey loogu murmay tirada dadka codbixiyaasha ah oo horey loogu sheegay in ka badan 1,300,000 (hal milyan iyo saddex boqol oo kun) oo ruux. Balse ay diideen xisbiyada mucaaradka.
Lama oga in tiradan ay tahay mid ay ku qancayaan xisbiyada markale, inkastoo guddigii hore shaqada laga joojiyey.
Dhowr mar oo hore ayaa dib loo dhigay Doorashada Somaliland balse xilligan waxan la filyaa in Doorashada ay dhici doonto waqtiga loogu tala galay.
Xafiiska wararka Bartamaha ee Muqdisho.
Comments
comments