Calendar

Cod-bixinta Doorashada Somaliland oo bilaabatay.

doorashada

Bartamaha (Hargaysa):- Doorashada Madaxtinimada Maamulka Somaliland ayaa saaka si rasmi ah ugu bilowday Deegaanada kala duwan Ee Somaliland.

Saaka abaara 5:00-aroornimo ayaa si rasmi ah waxaa u bilaabatay Codbixinta Doorashada oo ay ka qeybgalayaan shacabka dagan deegaanada Maamulka Somaliland.

Magaalooyinka iyo Degmooyinka kala duwan dhulka uu ka taliyo Maamulka Somaliland ayaa waxaa si rasmi ah uga bilaabatay Cod bixinta Madaxtinimada Somaliland.

Xizbiyada Saddexda ah ee KULMIYE,UDUB iyo UCID ayaa waxaa ay yihiin kuwa ku tartamaya madaxtinimada deegaanada Somaliland waxaana xilli waliba la filan karaa qalalaaso ka dhaca deegaanada doorashada ay ka dhacayso.

Wararka hordhaca ah ee na soo gaaraya ayaa sheegaya in deegaano badan laga qaaday Sanaadiiqda Codka waxaana la sheegayaa in Gobolka Sanaag iyo Sool goobo ka mid ah la carqaladeeyay doorashada oo shacab badan ay diideen in Sanaadiiqda Cod lagu rido.

Dhanka Magaalooyinka ayaa waxaa laga soo sheegayaa Ciriiri xoogan iyadoo dadka ay safaf dhaadheer ugu jiraan sidii qof waliba uu sanduuqa ugu ridi lahaa Codkiisa taasi oo sababab ka dhigi karta Cules dhanka amaanka ah oo la dareemo.

Ciidanka Somaliland ayaa waxa ay yihiin kuwa heegan ku jira waxaana ay xereen wadooyin badan oo ka mida Magaalooyinka Somaliland iyo goobaha sanaadiiqda oo dadka ay safafka ku qasbayaan in ay galaan.

Xaalada Doorashada iyo wixii ku soo kordha www.Bartamaha.Com ayaa kula socodsiinaya Insha allaah.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Nairobi –Kenya.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: