Ciyaaryahan Abubakar Ahmed Sheegoow oo la filaayo inuu ka soo dhexmuuqdo kooxda Wigan Horyaalka 2010/11 (SAWIRO)
Abubakar Ahmed Sheegoow waa wiil Soomaaliyeed oo mustaqbal wanaagsan ku leh ciyaarta Kubadda Cagta islamarkaana ka mid ah kooxda Wigan, kooxda Wigan waa koox ka dhisan dalka England islamarkaana ka mid kooxaha heerka kowaad kooxaha ay ka baqaan marka ay la dheelayaan, tasoo todobaadkii naga soo gudbay ka badisay kooxda Arsenal, halka ciyaarta ugu dambaysana ay la balansan yihiin inay la dheelaan kooxda Chelsea oo doonaysa inay hanato koobka horyaalka sanadka 2009/2010.
Ciyaaryahan Abubakar da’diisu waa 16 sano jir, waxaana dhalay Axmed Sheegoow oo ka mid ahaan jirey ciyaartooydii kooxda Horseed ee dalka Soomaaliya barisamaadkii islamarkaana haatan ka mid ah Soomaalida degan magaalada Manchester ee dalka Britain, waxaa la filayaa inuu sanadka dambe u soo gudbo ciyaartooyda heerka koowaad ee kooxda Wigan, halka uu haatana ka tirsan yahay kooxda Youth-ka Wigan kuwa da’doodu ka yartahay 16 sano jirada.
she[slidepress gallery='shegow']
Waxaan Allah u rajaynaynaa ciyaaryahan Abubakar Ahmed Sheegow mustaqbal wanaagsan iyo guulo fara badan islamarkaana waxaan hambalyaynayaa Ahmed Sheegoow kaalinta wanaagsan ee uu ka qaatey inuu wiilkiisa gaaro maanta meel fican, qoraalada isboortiga waxaan diirada ku saaraynaa dhiirigalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee isboortiga meelaha wanaagsan uga jira sidii aan u taageeri lahayn.
Hadaba hadii aad rabto in aan wax ka qorno caruur Soomaaliyeed ee mustaqbal ku leh ciyaarta kubadda cagta ama aad taqaano wiil ku wanaagsan ciyaarta kubadda cagta oo da’diisu ka hooseyso 12 sanadood waxaad kale tashan kartaa mudane C/qaadir Caddaay ee nala soo xiriir adoo mahadsan
W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor of SSPAMEDIA
London
Comments
comments