Calendar

Ciyaartii ugu horeysay Koobka Aduunka oo dhexmartay Mexico iyo K/Afrika (Natiijada Ciyaarta+Sawiro).

c2Bartamaha(Johanesburg):-Ciyaartii Cuslayd ee Caawa albaab furka loga dhigay Koobka Adduunka ayaa la soo afmeeray taasi oo u dhexeysay Wadamada Konfur Afrika iyo Mexico.

Ciyaartan oo bilaabatay Saacada Wadanka K/Afrika 16:00 xiliga Muqdisho 15:00-saac ayaa waxa ay ku bilaabatay heer aad u wanaagsan oo wanaag iyo damaashaad laga dareemayay garoonka.

Waxaana ciyaarta guud ahaan ay ku soo dhamaatay 1-1 oo ay kala leeyihiin labada xul ee labada dale ee kala ah Koonfur Afrika iyo Mexsico.

Labada kooxood ayaa waxa ay  ku wada jiraan Group A waxaana maanta ay soo bandhigeen Ciyaar aad u wanaagsan taasi oo guula balaaran ay ku kala gaareen marka loo eego Ciyaar wanaaga.

Ciyaarta maant ayaa waxaa Garsooraha ka ahaa Ravshan Irmatov oo u dhashay dalka Uzbekistan kaasi oo ku guulaystay in uu daah furo Ciyaaraha Adduunka sanadan.

Ciyaarta maanta ayaa waxaa la qiyaasayaa in ay daawanayeen in ka badan 83,548 oo dadweyne ah.

Taageerayaasha ayaa sida muuqaalada sawirada aad ka dheehan kartaan waxa ay wateen astaamo kala duwan oo labada Dowladood Ciyaaryahandooda ay ku kala taageerayeen.

Ciyaarta ayaa waxa ay ku dhamaatay jawi daganaan ah oo ay banaanbaxayaasha si daganaan ah ku muujinayeen taageerada Ciyaarta ay ciyaarayeen.

Daawo Sawirada:-

c2

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Ciyaaraha [ Sports ], Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: