Cismaan Caato oo lagu aasay maanta magaalada Muqdisho
Cismaan Xassan Cali (Caato) oo kamid ahaa hogaamiye kooxeedyadii awooda badnaa ee soo maray magaalada Muqdisho ayaa maanta maydkiisa lagu aasay magaalada Muqdisho kadib markii uu u geeriyooday xanuun wadnaha kaga soo booday oo keenay inuu si kadis ah ku dhinto.
Cismaan Caato maydkiisa ayaa la geeyay madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo la sheegay in madax ka tirsan dawlada ay ka qaybgaleen duco loogu sameeyay Villa Soomaaliya.
Muuse Suusi Yalaxow oo kamid ah hogaamiye kooxeedyadii ay gacan saarka lahaayeen ayaa geeridiisa ku tilmaamay mid naxdin leh oo uu ahaa siyaasi wayn oo dalka siyaasadiisa wax wayn kasoo qabtay.
Masuuliyiinta aaskiisa ka qaybgalay ayaa waxaa kamid ah wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya C/kariin Xusseen Guuleed iyo Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid.
Cismaan Xasan Cali Caato ayaa mudo badan kusoo dhex jira siyaasada dalka soomaaliya isagoo xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadihihii kumeel gaarka ahaa ee lagu soo unkay dalalka dariska,wuxuuna xiligan ku hawlanaa dhisme Garoon diyaaradeed oo uu ka dhisayey Koonfurta magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Comments
comments