Ciidmada Dowlada oo Wadooyinka Degmada Waabari u noqotay Naar-kabood.
Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Dowlada ayaa waxaa murug xoogan ku haya ammaan darada ka soo cusboonaatay Degmada Waabari Muqdisho halkaasi oo qaraxyo lagula beegsaday.
Maalmihii la soo dhaafay waxa asoo badanayay qaraxyada iyo Miinooyinka lagu weerarayo Ciidamada Dowlada xiliga ay marayaan Gudaha Degmada Waabari Muqdisho.
Ciidanka Dowlada ayaa walwal xoogan uu la soo dersay markii Maalin ka hor la qarxiyay goob ay ku qayilayeen Cidian Dowlada ka mida kuwaasi oo ku la’daya qaraxaasi.
Shalay ayaa waxaa la sheegay in la helay Miino dhulka lagu aasay taasi oo la dhigay goob ay ku qayili jireen Ciidanka Dowlada gudaha Degmadaasi Waabari Muqdisho.
Saaka waxaa Deegaanka soo buuxiyay Ciidanka Dowlada kuwaasi oo bilaabay howlgal baaritaan ah oo ay ku samaynayaan wadada laamiga ah ee Laybeeriya.
Ciidanka waxaa la ogaaday in ay mar labaad heleen Miino la dhigay wadada hareerteeda taasi oo halis ku ahayd Ciidamada wadadaasi mara xili walba oo wada ay isticmaalaan.
Howlgalka saaka ay Ciidamada sameeyeen waxaa ay ku qabqabteen dad badan oo dhammaan lagu Eedeeyay ammaan darada dhawaanahan ka taagnayn Deegaankaasi Waabari.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Â
Comments
comments