Ciidanka Xizbul Islaam oo xeray nin 85-Jir ah oo loo haysto dhul uu Iibsaday Gudaha Sh/Hoose.
Bartamaha(Qaadisiya):-Ciidamada Xizbul Islaam ayaa xabsiga dhigay nin da’ah oo lagu Eedeeyay in uu sharci daro isaga Iibiyay dhul uu lahaa.
Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Al-Qaadisiya ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Xabsiga la dhigay nin Da’ah oo lagu Eedeeyay in uu sharci daro isaga Iibiiyay dhul uu lahaa.
Ninka la xeray oo lagu magacaabo Xaaji Cali Maxmuud ayaa waxa xeray Ciidamada Xizbul Islaam deegaanka Al-qaadisiya markii laga helay qoraalo looga soo sixiixay Dowlada KMG ah maamulkeeda Sh/Hoose.
Ninka ayaa waxaa la sheegay in uu sharciga deegaanka u dagsan ku tuntay oo uu sharci daro isaga Iibiyay dhulkiisa markii la helay qoraal uu ka soo garaacday xafiiska dhul bixinta Maamulka Sh.Hoose sida qoraalka lagu arkay.
Arinta ninka Da’da ah ayaa waxaa la dhashay khilaaf ba’an waxaana shirar kala gooni ah u socanayaa Odayaasha Beesha uu ka soo jeedo ninkaasi iyo Kooxda Xizbul Islaam maamulkeeda Tooratoorow iyo Alqaadisiya.
Lama oga sababata keentay xariga ninkaasi maadaama aanay Xizbul Islaam lahayn sixiix bixin kara ama lagu Iibsan karo dhul ku yaala soomaaliya wallow marar badan la isku qabtay amaro ay bixiyaan Alshabaab ama Xizbul Islaam oo dhulalka ku saabsan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments