Calendar

Ciidanka Xildhibaan Furux oo xeray Dakada Muqdisho

dakada muqdishBartamaha (Muqdisho):- Ciidan uu watay Xildhibaan Furux ayaa maanta xanibay shaqadii dakada Muqdisho.

Ciidan aan waday dareeska Dowlada ayaa maanta  ku dhiiraday xanibaada shaqada Dakada Muqdisho oo muddo ammaankeeda ay hayeen Ciidanka Nabad Ilaalinta u jooga Muqdisho Ee Amisom.

Ciidanka Xildhibaan Max’ed Jaamac Furux ayaa maanta albaab walba oo dakada Muqdisho leedahay ka samaystay dhufays waxaana ay diideen galida iyo ka soo bixida dakada Muqdisho.

Ciidankan oo matalayay maleeshiyadii beesha haysan jirtay dakada Muqdisho ayaa waxa ay si cad u xanibeen shaqada dakada iyagoo sheegay in ay dili doonaan cid walba ee dakada gasha iyo qofkii ka soo baxa intaba.

Xildhibaan Furux oo dakada meel aan ka dheeren wariyayaasha kula hadlay ayaa ku dhawaaqay in dakada ay u xeran tahay maleeshiyadiisa oo diidan shaqada dakada in ay sii socoto wixii hadda ka danbeeya.

Xildhibaanka waxa uu cadeeyay in Dakada ay xeran tahay illaa laga ogaanayo halka la geeyo lacagaha laga soo qaado Maraakiibta iyo gawaarida dakada Muqdisho gasha ee shaqada ka dhex wada.

Xildhibaankan Ciidankiisa ay maanta dakada Muqdisho xereen ayaa waxa uu ahaa Hogaamiyihii sida gaarka ah u haysan jiray dakada xiliyadii dagaalada sukeeye ay Muqdisho ka socdeen waxaana maanta ay mar kale ku dhiiradeen xerida shaqada dakada.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: