Calendar

Ciidanka Madaxtooyada oo Gadooday

madaxtooyadaWaxaana ay xireen gabi ahaanba wadooyinka soo galayay iyo kuwa ka baxay intaba iyaga oo sidoo kale joojiyay in xarunta laga baxo lagana galo,iyada ay ku xaniban yihiin wasiiro iyo xildhibaano baarlamaanka ka tirsan.

Ciidamadan ayaa ka sheegayaa inay gadoodeen kadib markii ay waayeen mushaarka ay xaquuq ahaan ulahaayeen  waxaana  marka  ay xirayeen Wadooyinka waxa ay isticmaaleen rasaas xoogan oo mudda socotay .

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha iyo Masuuliyiinta sar sare ee  dowlada  inkasta oo ay tahay markii ugu horeysay oo talaaba noocaan ah ay qaadaan ciidamada ilaalada ka ah xarunta madaxtooyada.

Dhanka kale Guddomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dib ugu soo laabtay magaalada muqdisho waxaana marka laga laga soo tago  ka warbixinta safarkiisa  uu sheegay in xukumada iyo baarlamaanka ay yihiin kuwa aan shaqooyinkooda kala maarmin oo isku xiran sidaa darteedna loo baahanyahay inxukumada ay wax ka qabato waxyaabaha ama  dulduleelada ay xildhibaanada u  iftiimiyaan.

Si kastaba ha haatee hadalka gudoomiyaha ayaa ku soo beegmaya xilli  wasiiro ka tirsan xukumada ay xilalka iska casileen islamarkaana  xildhibaanada baarlamaanka qaarkood ay ku baaqeen in lala xisaabtamo xukumada Ra’iisul wasaare Sharmaarke .

__

VOA Somali

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: