Ciidanka Liibiya oo xalay Raafay Soomaalida dagan Tripoli.
Bartamaha (Tripoli):- Howlgalo raaf ah ayaa xalay Ciidamada Liibiya ay ka sameeyeen Magaalada Caasimada u ah dalkaasi Ee Tripoli.
Ciidanka Booliiska Magaalada Tripoli ayaa xalay ku yaacay dhismayaasha ay daganyihiin Soomaalida iyagoo raaf xoogan ku soo sameeyay dhammaan dadkii daganaa dhismayaal ay caan ku noqdeen shacabka Soomaaliyeed.
Howlgalka xalay ayaa la xaqiijiyay in looga soo saaray dhismayaasha ay daganaayeen boqolaal Soomaali ah oo xalay jiifsaday dhul beera ah oo dhaca duleedka Magaalada Caasimada ah Ee Tripoli.
Amarka lagu raafayay Soomaalida ayaa la sheegay in uu ka soo baxay Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Madaxda Dowlada Hoose Ee Magaalada Caasimada ah Ee Tripoli halkaasi oo xalay soomaalida laga soo saaray dhismayaashii ay daganaayeen.
Warar hoose oo la helayo ayaa sheegaya in Saraakiisha Ammaanka ay u sheegeen dadka ay soo raafeen in loo celin doono Soomaaliya halkaasi oo weli ay ka socdaan dagaaladii ay ka so carareen Soomaalidan.
Marar badan ayaa Dowlada Liibiya ay Soomaaliya ku celisay boqolaal Dhalinyara Soomaaliyeed u badan kuwaasi oo ay ku qabteen magaalooyinka dalkaasi xilli ay isku dayayeen in ay ka tahriibaan dalka Liibiya.
Lama garanaya xiliga waxa laga yeeli doono Boqolaalka Soomaalida xalay laga soo raafay magaalada Tripoli Ee Dalka Liibiya oo weli ku sugan Beeraha ku yaala duleedka Magaalada caasimada ah.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Comments
comments