Ciidanka Dowlada oo isaga baxay Gobolka Hiiraan.
Bartamaha (Baladweyne):- Ciidamada Dowlada ayaa saaka lagu waramayaa in ay guud ahaan isaga bexeen gobolkaasi Hiiraan ka dib dhaqdhaqaaq ay muddo halkaasi ka wadeen.
Wararka saaka naga soo gaaraya Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidanka Dowlada ay u dhaqaaqeen Deegaanada Soomaalida dagantahay ee Dalka Ethiopia markii muddo ay ku sugnaayeen Deegaanka Kala-Bayr ee Gobolka Hiiraan.
Ciidanka ayaa la xaqiijiyay in guud ahaan ay isaga huleeleen Kala-Bayr markii ay waayeen Caawinta Askarta Ethiopia oo dhawaanahan la daganayn Deegaanka Jawiil Ee Gobolkaasi Hiiraan iyagoo samaynayay dhaqdhaqaaq ay ku doonayaan weerarka Baladweyne.
Saraakiisha Dowlada Gobolka Hiiraan oo dhawaanahan warbaahinta ka sheegayay in ay la wareegayaan Baladweyne ayaanan la ogayn sababta saaka ay isaga bexeen guud ahaan Gobolkaasi Hiiraan oo ay ka daganaayeen Isgoyska Kala-Bayr Ee Deegaanka Jawiil oo ay haatan baneeyeen guud ahaan.
Inta badan Ciidamada Dowlada ee daga Deegaanka Kala-Bayr ayaa waxa ay la socdaan dhaqdhaqaaqa guud Ee Gobolka Hiiraan wallow ay isaga laabtaan deegaankaasi marka ay waayaan Ciidanka Ethiopia oo caawiya askarta Dowlada Ee Gobolka Hiiraan.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Kala xiriir:-
.
.
Comments
comments