Calendar

Ciidanka Dowlada oo galabta dagaal ku qabsaday Mowlaca Macalin Nuur.

dowladaBartamaha (Muqdisho):- Dagaal faraha looga gubtay oo galabta ka dhacay Muqdisho ayaa sabab ka dhigay in Dowlada ay dib u qabsato Masjidka Macalin Nuur Ee Degmada Hodon.

Dagaalka galabta oo ay calanka u siday Ahlu sunnah balse ay si muuqata uga qeyb qaadanayeen Askarta Dowlada ayaa waxa uu ka dhacay xaafadaha Siigaale iyo qeybo ka mida Wadada Sayidka Muqdisho.

Dagaalka ayaa sababay in Dowlada ay dib u hanato Degmada Hodon inteeda badan oo maalmahan laga haystay waxaana ay si gaar ah u beegsanayeen Masjidka Macalin Nuur oo shabaabka ay laba maalin haysteen islamarkaana laga baqanayay in ay qabriyada qodaan.

Dagaalka galabta dhacayay waxa uu sababay qasaara kala duwan waxaana si toosa ah isaga horyimid Ciidanka Dowlada iyo kuwa Alshabaab iyadoo Ciidanka Ahlu sunnah ay dagaalka afka hore ka joogeen si ay mar uun u gaaraan xaafadaha uu ku yaalo Masjidka Macalin Nuur.

Qasaara shacabka soo gaaray ayaa dagaalka galabta uu dhaliyay waxaana dhaawac ahaan isbitaalka loo geeyay 7-qof oo galabta ku dhaawacantay dagaalka iyadoo 3-dhimashada ah la sheegay in ay jiraan.

Col.C/laahi Xasan Bariise oo ah afhayeenka Booliiska Dowlada ayaa xaqiijiyay in galabta ay jabiyeen Xoogaga Mucaaradka isagoo ku faanay in ay qabsadeen dhismaha Masjidka Macalin Nuur Ee Degmada Hodon.

Afhayeenka waxa uu ku gaabsaday in ay guul balaaran gaareen isagoo xusay in Ciidankooda ay caawa jiifsanayaan Xaafadaha ku dhow dhow Suuqa Bakaaraha markii muddo ay shabaabka haysteen agagaarka Wadada Makka Al Mukarama.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: