Ciidanka Amisom oo Bam gacmeed lagu weeraray.
Bartamaha (Muqdisho):- Waxaa markii ugu horaysay lagu dhiiraday Weerar Bam gacmeed ah oo Xalay lagu tuuray Ciidanka Amisom oo tan iyo Imaanshahoodii Muqdisho aan lagu tuurin Bamka gacanta.
Kooxo aan lagu guulaysan qabashadooda ayaa Xalay Bamka gacanta ah la beegsaday Ciidanka Amisom ee dagan wadada Shaqaalaha Muqdisho halkaasi oo Laba qarax oo nuuca Bamka gacanta laga maqlay.
Laba Bam gacmeed ayaa Xalay lagu weeraray Ciidanka Amisom ee dul dagan dhismihii Shaqaalaha ee Wadada Makka Al Mukaraha Muqdisho halkaasi oo qaraxyo nuuca gacanta laga tuuro xalay lagu weeraray.
Lama Bam oo gacanta ay ka tuureen koox la aaminsanyahay in ay ka mid ahaayeen Islaamiyiinta Mucaaradka ayaa Xalay waxa ay waxyeela gaarsiiyeen Askar ka tirsan Amisom oo saldhig ku lahayd wadada Makka Al Mukarma.
Ciidanka Amisom oo aan horay lagu weerarin Bamka gacanta ayaa Xalay waxa ay dhacdadaasi ka dhacday Wadada Makka al Mukarama oo muddo Laba Sana ah ay daganyihiin Ciidamadaasi Ugandha oo ka tirsan kuwa Amisom.
Inta badan qaraxyada lala beegsan jiray Ciidanmada Midowga Afrika ayaa waxa ay ahaayeen Miinooyinka iyo dhalinyarada is qarxinaysay wallow Xalay koox aan la bar garan ay Bam ku tuureen askarta ka dibna ay u baxsadeen dhanka Degmada Waabari.
Warar xaqiiqda u dhow ayaa waxa ay sheegayaan in ugu yaraan 2-askari ay waxyeela soo gaartay waxaana saaka dhiig lagu arkayay dhifays burburay oo askartaasi ay fadhiyeen sida dadka saaka maray wadada ayt xaqiijiyeen taasi oo muujinaysa waxyeelada ciidanka soo gaartay.
Wax ar ah kama soo bixin saraakiisha sare ee Ciidanka Ugandha ama Taliska guud ee Amisom xilli dhawaanahan ay soo badanayeen waxyeelada isdaba jooga ah ee soo gaaraysa Ciidanada Nabad ilaalinta u jooga Muqdisho.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Kala xiriir:-
.
.
Comments
comments