Ciidanka Ahlu Sunnah oo u jiheestay Ceel-Buur.
Bartamaha (Muqdisho):-Ciidanka Ahlu sunnah oo hub iyo saanad ciidan helay ayaa waxa ay dagaal ugu wajahanyihiin Degmada Ceel Buur Ee Gobolkaasi Galgaduud.
Sida uu saxaafada u cadeeyay Sheekh C/laahi C/raxmaan Abuu Yuusuf Al-qaadi ayaa shaaca ka qaaday in Ahlu sunnah ay heleen Ciidan caaboon oo u diyaarsan dagaal ay la galaan Alshabaab.
Sheekh Al-Qaadi ayaa beeniyay warar sheegaya in diyuurad dagaal ay rasaas iyo hub u geysay ahlu sunnah isagoo sheegay in Ciidanka Ahlu sunnah ay yihiin kuwa gacan ka helaya shacabka oo dhan balse aanay rasaas ka helin dalka dibadiisa.
Masuulkan Ahlu sunnah u hadlayay waxa uu sheegay in Ciidankooda ay galabta u dhaqaaqeen dhanka Deegaanka Ceel Buur si ay dagaal ula galaan Alshabaab oo halkaasi saldhig weyn ku leh.
Hadalka Sargaalkan iyo wararka soo baxaya ee sheegaya in Ahlu sunnah la siiyay Hub iyo Saanad Militari ayaa imaanaya xilli Xaalada Gobolka Galgaduud ay caadi ku soo laabatay oo dhawaanahan dagaal uu ka dhacayay.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments