Ciidan iyo saraakiil ku dhintay Qarax ka dhacay Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Qarax Miino oo aad u xoogan ayaa barqanimadii maanta lala beegsaday saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ah.
Qaraxa ayaa waxa uu haleelay mid ka mida gaadiidka Booliiska Dowlada oo la sheegay in uu sarnaa sargaal ka mida Ciidanka Booliiska kaasi oo dhintay iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada Maaliyada oo badbaaday.
Qaraxa miinada ah ayaa waxa uu ka qarxay goob qashinka la dhigo oo ku taalay Degmada Xamarweyne halkaasi oo ay marayeen Kolanyo gaadiidka Ciidanka iyo masuuliyiin la socotay ah.
Agaasimaha guud ee wasaarada Maaliyada ayaa dhaawac fudud uu soo gaaray waxaana dhintay sargaal Booliiska ka mida oo aan magaciisa la helin balse qaabilsanaa qeybta Dakada Muqdisho.
Inta la ogyahay  waxaa qaraxaasi ku dhimatay 4-qof oo la askar ay yihiin halka kuwa kalana shacab ay ahaayeen waxaana dhaawac soo gaaray 6-qof oo Agaasimaha guud ee wasaarada Maaliyada uu ku jiray.
Wixii warar ah eek u soo kordha qaraxa iyo hadalada Dowlada ka soo saarto www.Bartamaha.Com ayaad kala socon kartaa.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi –Kenya.
Comments
comments