Ciidamo tababar soo dhamaystay oo Maanta ka soo dagay garoonka Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Wadooyinka Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu arkay Ciidamo cusub oo ka soo tagay garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Dowlada KMG ah ayaa Muqdisho soo galisay Ciidamo gaaraya 1000-Askaro oo tababar ku soo dhamaystay Dalka Sudan kuwaasi oo maanta qaar ka mida ay Muqdisho soo galeen.
Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa duhurnimadii maanta ammaankiisa aad loo adkeeyay halkaasi oo ay ka soo dagayeen Ciidamo badan oo Dowlada ay leedahay.
Ciidamada maanta soo dagay ayaa waxa ay wateen hubka fudud iyadoo qaar badan oo ka mida lagu soo daabulay gawaarida Waaraadyada loo yaqaano.
Ciidamada oo watay dares kaaki ah oo nuuca Militariga Sudan ay xertaan ah ayaa waxa qaar ka mida ay lug ka soo bilaabeen garoonka Muqdisho illaa Xarunta Madaxtooyada.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka Ee Dowlada KMG ah wallow horay ay u sheegeen in ay Ciidamo tababar ugu maqanyihiin dalal badan oo afrika ah.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments