Calendar

Ciidamo Taabacsan Dowlada KMG Soomaaliya oo Saaka la Wareegay Gacan ku haynta Degmada Luuq ee Gobolkaasi Gedo.

3663

Bartamaha(kismaayo):- Ciidamo taabacsan  dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa saakay waxaa ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Luuq ee ku taal Gobolka Gedo.

 Taliyaha Hogaaminayay Ciidamada Dowlada Gaashaanle sare Maxamed Cismaan Wali oo Saaka la hadlayay Saxaafadda ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Dowlada KMG Soomaaliya oo uu Hogaaminayay ay saaka la wareegeen gacan ku haynta Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in Ciidamadii Xisbul Islaam ee halkaasi joogay ay isaga baxeen kadib markii Ciidamo ka tirsan dowaladda KMG ah ee Soomaaliya  ay ka soo galeen Magaalada Dhinacyo kala duwan islamarkaana aysan jirin Wax dagaal ah oo ka dhacay Degmadaasi.

 Wararka haatan Magaalada Laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Haatan Magaalado ay tahay Mid degan iyadoo wali si toos ah aan loo wada furin howlihii ganacsiga ee halkaasi ka jiray,waxaana ciidamadu ay fariisimo ka samayeteen meelo badan oo ka mid ah degmada Luuq.

 Ciidamadii Maamulka Xizbul Islaam ee ka arimin jiray Degmadaasi ayaa iyagu isaga baxay Degmada ka hor inta aysan iman Ciidamada Dowlada ee hada la wareegay Degmada Luuq, lamana oga halka ay aadeen Xoogagii Xizbul islaam ee ka baxay Magaalada.

 Iskusoo wada duuboo Qabshada Degmada Luuq ayaa Noqoneysa Degmadii labaad ee ka tirsan Gobolka Gedo oo lagala Wareego Xoogaga Islaamiyiinta ah iyadoo wax dagaal ah uusan dhicin, lamana oga sida ay Xaaladu noqon doonto, sidoo kale dadka ku dhaqan Gobolka Gedo ayaa cabsi weyn ka muujinaya Xiisadaha Colaadeed ee ka taagan Gobolka Gedo.

 

 

Warar Xaqiiq ah kala soco www.Bartamaha.com

Kismaayo-Somalia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: