Ciidamo Mushaar doon ah oo maanta dagaal ku galay Afaafka hore Ee Madaxtooyada.
Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamada ka tirsan Militariga Dowlada Fd Soomaaliya ayaa maanta dagaal la galay ilaalada Madaxtooyada Villa Somalia ka dib markii ay Militarigu bilaabeen in ay xeraan wadooyinka Madaxtooyada.
Ciidamada Militariga ayaa la xaqiijiyay in ay gadood ka ahaayeen lacagihii mishaaraadka oo ay waayeen mudooyinkii la msoo dhaafay iyagoo maanta xeray dhammaan wadooyinka soo gala Xarunta Madaxtooyada.
Muddo xanibaada ay jirtay ka dib ayaa halkaasi waxaa ka bilowday dagaal u dhexeeya Ilaalada Madaxtooyada iyo Ciidamadii caraysnaa halkaasi oo ay ka bilaabatay rasaas qasaara sababtay.
Illaa 2-ruux oo mid ka mida uu askari yahay ayaa ku geeriyootay 6-kale oo askarta Dowlada ka mida dhaawac ayaa ka soo gaaray ka dib rasaas in mudda ah ka socotay xarunta madaxtooyada iyo hoyga ra’iisul wasaaraha.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha hogaanka u ah Ciidamada Militariga iyo ilaalada madaxtooyada intaba balse goobtaasi ayaa laga qaaday maydka iyo Dhaawaca Ciidamada maanta isqoomay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments