Calendar

Ciidamo ka tirsan Maamulka Dowlada Goboleedka Puntland oo maanta dagaal ku dhexmaray Gaal-kacyo.

magaalada galkacyoBartamaha (Gaal-Kacyo) Ciidamadan oo ka kala tirsanaa Booliiska iyo Daraawiishta Dowlada Goboleedka Puntland ayaa la xaqiijiyay in duhurnimadii maanta ku dagaalameen duleedka iyo gudaha Magaalada Gaal-kacyo.

Israsaasaynta  labada Ciidan ayaa timid ka dib markii Ciidamada Booliiska ay ku dhaqaaqeen howlgalo ay ku sugayeen Ammaanka Magaaladaasi kuna qaadayeen jidgooyooyin Ciidamada Dawaariishta dhigteen.

Inta la ogyahay waxaa geeriyootay  2-Askari oo ma mida Ciidamada Booliiska iyadoo midkalana uu dhaawac soio gaaray ka dib markii dagaal uu ku dhexmaray duleedka Deegaanka Gaal-kacyo halkaasi oo Ciidamada Darawishta ay lacago gaadiidka kaga qaadanayeen.

G/Sare.Siyaad Maxamed oo ah Taliyaha Ciidamada Booliiska Maamulka Gobolka Mudug ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Daraawiishta ay ammaanka magaalada Gaal-kacyo dhibaato ku hayaan isagoo qiray in Ciidamadaasi ay maanta Booliiska ka geeriyoodeen ka dib dagaal ay la galeen Burcad Daraawiishta ka mid ahayd sida uu sheegay taliyuhu.

Taliyaha Ciidamada Booliiska ayaa madaxda Dowlada Goboleedka Puntland ugu baaqay in ay soo faragaliyaan dhibaatada Daraawiishta ay ku hayaan Ammaanka Magaalada Gaal-kacyo.Waa markii ugu horeysay oo dhawaanahan ay dagaalamaan Ciidamo ka wada tirsan Maamulka Dowlada Goboleedka Puntland wallow Xaalada Ammaan Ee Magaalada Gaalkacyo ay maalmihii la soo dhaafay ka sii daraysay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: