Ciidamo ka haray Sheekh Axmed Madoobe oo isku dhiibay Alshabaab.
Bartamaha(Dhoobley):-Ciidamo xoogan oo uu hogaan u ahaa Sheekh Axmed Madobe ayaa si rasmi ah isugu dhiibay Koxda Alshabaab.
Sida ay xaqiijiyeen dadka ku dhaqan Dhoobley waxaa xalay halkaasi soo gaaray illaa 2-gaari oo nuuca dagaalka kuwaasi oo ka soo haray Saraakiishii Xizbul Islaam eek u fashilmay dagaalkii ay la galen Kooxda Alshabaab.
 Labada gaari ayaa waxaa la sheegay in ay wateen Ciidamada sida gaarka ah ugu dhawaa Sheekh Axmed Islaam Axmed Madoobe kuwaasi oo ka soo laabtay xadka Kenya.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Ciidamada isku dhiibay Alshabaab guud ahaan hubkii laga dhigtay ka dibna xero la geeyay .
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Alshabaab marka laga reebo hadal shalay uu jeediyay afhayeenka Wilaayada Jubooyinka oo sheegay in ay soo dhaweynayaan Ciidamada Axmed Madobe ka soo hara.
Warar hoose ayaa sheegaya in Saraakiishii Xizbul Islaam ay u talaabeen dhanka dalka Kenya iyadoo aan la ogayn qaabkii xadka ay uga gudbeen iyo goobta ay ku suganyihiin.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments